XOG: Goorma Ayaa Ugu Dambaysay Real Madrid Oo Guul Ka Gaadha Kumalada? Xog La Yaab Leh Ayaa Laga Helay.

Kooxda Real Madrid ayaan soo qaadan isku diyaarin fiican oo xilli ciyaareedka cusub ah iyaga oo aan ilaa haatan wax guul ah gaadhin marka laga reebo Arsenal oo ay rikoodhayaal kaga badiyeen.

Wargayska Mundo Deportivo ayaa shaaca ka qaaday in ayna kooxda Real Madrid guul gaadhin 87 maalmood iyada oo guushii ugu dambaysay ahayd 87 maalmood ka hor.

Real Madrid ayaa guuldaro kala kulantay kooxda Tottenham waxana uu tababare Zidane sheegay in ay kooxdiisu u baahantahay guul kulamada soo socda.

Kulankii ugu dambeeyay ee ay Los Blancos guul gaadhay ayaa ahaa kulan ay 3/1 kaga badisay kooxda Villarrel kula ka tirsanaa todobaadkii 36-aad ee horyaalka La Liga xilli ciyaareedkii hore.

Waxa intaas sii dheer in ay kooxda Real Madrid kaliya guul gaadhay 7 kulan 21-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ciyaartay iyada oo laga badiyay 11 kulan sidoo kale bar-baro gashay 3 kale xilli Kulamadaas Real Madridayaa dhalisay 30 gool iyada oo laga dhaliyay 39 gool.

Tan ilaa markii uu tababare Zidane kooxda la wareegay waxa uu kooxda ku hogaamiyay guul 5 kulan 15 kulan oo ay ciyaartay iyaga oo laga badiyay 7 kulan 3 kalena bar-baro gashay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*