XASAASI: Man United Oo Haatanba Daabacday Maaliyadaha Laba Xiddig Oo Lala Xidhiidhinay (Sawiro)

Kooxda Man United ayaa xagaagan ah kooxda xiddigaha ugu badan lala xidhiidhinayo premier League iyaga oo ilaa haatan xiddigo aad u badan lala xidhiidhinayo inkasta oo ay kaliya 2 xiddig la soo saxiixatay.

Laakiin waxa ay u muuqataa in ay arintaas is badali doonto maalmaha soo socda xilli la arkay maaliyado ay ku qoran yihiin magaca iyo waliba lambarka 2 xiddig oo lala xidhiidhinayo.

Waxa magaalada Manchester lagu arkay taageerayaasha Man United oo xidhina maaliyad Man United ah oo ay dhabarka kaga qoran yihiin magaca iyo lambarada xiddigaha Paul Dybala iyo Harry Maguire.

Labada xiddig ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa kooxda Man United kuwaas oo doonaya in ay ku xoojiyaan kooxdooda inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Harry Maguire ayaa xagaagan oo dhan lala xidhiidhinayay Man United xilli uu Solskjaer xiddiga reer England u calaamadsaday in uu ku xoojiyo kooxdiisa xilli ciyaareedka cusub.

Dybala ayay sidoo kale Man United doonaysaa in ay ku xoojiso weeraryahanka iyaga oo Juventus kaga badalanay Romelu Lukaku kaas oo isna ku biiri doona kooxda Juventus.

Taageerayaasha Man United ayaa soo xidhay maaliyadaha ku qoranyihiin magaca iyo lamabarada labada xiddig kulankii ay Man United salaasadii la ciyaartay kooxda Kristiansund.

Maaliyada Harry Maguire ayuu ku qornaa Lambarka No.5 oo haatan ah mid ka banaan Man United halka Maaliyada Dybala ku qornayd No.21 oo uu ka tagay Ander Herrera.

Man Utd Harry Maguire Paulo Dybala

Man Utd Harry Maguire Paulo Dybala

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*