WARBIXIN: Sidee Ayuu Dhaawaca Asensio U Badalayaa Qorshaha Real Madrid? Joogista Bale Ayaa Ka Mid Ah Xalalka

“Waxa aan ka wal-walsanahay dhaawaca jilibka ah ee soo gaadhay xiddiga oo si deg-deg ah dhakhtarka loola cararay, waxa ay u muuqataa in uu yahay dhaawac xun”ayaa ahaa Kalmadihii Zidane kadib ciyaartii ay Real Madrid guusha ka gaadhay Arsenal isaga oo ka hadlaya dhaawacii soo gaadhay xiddiga reer Spain.

Xiddiga reer Spain ayaa u muuqda mid uu soo gaadhay dhaawac halis ah sida ay sheegayaan wararka ka imanay Spain iyada oo la sheegayo in uu dhaawac halis ah ka soo gaadhay jilibka lana filayo in uu garoomada ka maqnaado muddo dheer.

Su,aasha haatan taagan ayaa ah maxaa dhici doona hadii la xaqiijiyo in uu Asensio garoomada ka maqnaan doono muddo dheer, sidee ayuu saamayn ugu yeelan doonaa qorshaha Zidane?.

Hadaba waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa dhaw xal oo laga yaabo in ay Real Madrid ku buuxiso booska xiddiga reer Spain.

1.In Uu Lucas Vázquez Helo Fursado badan oo uu ku ciyaaro:

Waxa aan ognahay in uu Lucas Vázquez yahay xiddig uu taageero u yahay Zidane intii uu joogay Real madrid isaga oo xiddiga reer Spain u adeegsada door muhiim ah oo garoonka dhexdiisa ah laakiin wakhti xaadirkan waxa jira warar badan oo sheegaya in ay kooxda Real Madrid doonayso in ay iska iibiso kadib imaatinkii xiddigaha Hazard iyo Jovic.

Laakiin haatan Kadib dhaawaca Asensio Lucas Vázquez ayaa Zidane ku qasabaya in uu ku sii haysto kooxda marka loo eego in uu mushaharkiisu hooseeyo waliba uuna ka xanaaqayn in uu kaydka fadhiyo wax dhibaato ahna ku ahayd qolka Labiska.

2.In Kooxda 1-aad lagu sii hayo xiddigaha Da,yarka ah ee Rodrygo Goes & Takefusa Kubo:

Marka loo eego in uu Vinícius Júnior ka qayb ahaan doono kooxda 1-aad ee Real Madrid, dookha kale ee u yaala Zidane ayaa ah in uu kooxda 1-aad ku sii hayo xiddigaha da,yarka ah ee xagaagan ku soo biiray kooxda ee Rodrygo Goes & Takefusa Kubo kuwaas oo labadooduba ka ciyaari kara garabka weerarka.

Sidaas darteed labada xiddig ee Rodrygo Goes & Takefusa Kubo ayaa fursad badan u heli doona in ay ka ciyaaraan kooxda una dagaalamaan booskii Asensio halkii ay u ciyaari lahaayeen kooxda da,yarka Real Madrid.

3.In Uu Gareth Bale sii joogo kooxda:

Mid ka mid ah xalka hor yaala Zidane ayaa ah in uu kooxda ku sii hayo Gareth Bale kaas oo uu shaki weyn ku jiro mustaqbalkiisa xitaa Zidane sheegay in uu doonayo in uu isaga tago kooxda xagaagan.

Sidaas darteed in uu Bale ku sii hayo kooxda waxa ay siin doontaa fursad uu ku buuxiyo booska xiddiga Asensio ka dhaawacan yahay hadii uu muddo dheer ka maqnaado kooxda.

4.In Uu Mariano Díaz Sii Joogo Kooxda:

Zidane ayaa haysta dookh kale oo uu ku buuxin karo booska Asensio waana in uu kooxda ku sii haysto xiddiga weerarka uga ciyaara ee Mariano Díaz kaas oo ka ciyaari kara weerar toos ah iyo waliba garabka hadii uu fursad u helo.

Waxa uu u muuqdaa xal aan suurtagal ahayn marka loo eego in uuna xiddigu ciyaarin wax daqiiqado ah kulamadii isku diyaarinta kooxda ee xilli ciyaareedka cusub.

5.La Soo Saxiixashada Weeraryahan Cusub:

Waa dookha ugu dambeeya waliba ah mid laga yaabo in uuna dhicin maadama ay Real Madrid haatan suuqa galisay lacag badan iyo waliba in aan la helayn weeraryahano fiican oo hadana lacag jaban lagu helayo xagaagan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*