Waa Maxay Sababta Ay PSG & Barcelona Ugu Kulmi Doonaan Liverpool?

Madaxda PSG ayaa dhigooda Barcelona kula kulmi doona Liverpool si ay u dhamaystiraan saxiixa xiddiga Neymar inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Warkaas ayaa laga soo xigtay wargayska ka soo baxa Spain ee Mundo Deportivo.

Wargayska ayaa sheegaya in milkiilaha kooxda PSG ee Nasser Al-Khelaifi iyo madaxweynaha Kooxda Barcelona ee Josep Bartomeu ay ku kulmi doonaan shirka kooxaha yurub ee dhici doona 16 bisha August.

PSG iyo Barca ayaa leh xiriir aad u xun kaas oo bilowday markii uu Neymar ka tagay kooxda Barcelona kuna biiray kooxda PSG laba sano ka hor xagaagii 2017.

Xidhiidhka xun ayaana laabashada Neymar ee Barcelona ka dhigay mid aad u adag inkasta oo la sheegayo in ay labada kooxood ka shaqaynayaan heshiis.

Barcelona ayaa ls sheegayaa in ay dhawr dalab ka gudbisay xiddiga reer Brazil bilowgii xagaagan laakiin waxa ay ku dhibaatoonaysaa in ay PSG ku qanciyaan dalabkooda.

PSG ayaa diyaar u ah in ay iibiso Neymar inkasta oo ayna doonayn in ay lacag jaban ku fasaxdo xiddiga.

Kooxda reer France ayaa la sheegayaa in ay dalbanayso lacag dhan 180 Milyan oo euro taas oo 42 milyan oo euro ka yar lacagtii ay ka bixiyeen xiddiga 2017 ee ahayd 222 milyan euro.

Laakiin Barca ayaan doonayn in ay bixiso lacagtaas si kasta ha ahaatee Barcelona ayaa diyaar u ah in ay 6 xiddig midkood ka qayb dhigto heshiiska xiddiga si ay lacagtu hoos ugu dhacedo.

Barcelona ayaa heshiiska ku dartay xiddigaha  Ivan Rakitic, Samuel Umtiti, Ousmane Dembele, Philippe Coutinho, Nelson Semedo & Malcom waxana ay ku rajo weyn yihiin in ay PSG aqbasho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*