Waa Kuma Halyeeyga Man United Ee La Xidhiidhay Dybala Si Uu Ugu Qanciyo In Uu Ku Biiro Man United

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Juventus ee Paulo Dybala ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa kooxda Man United xilli ay Juventus iyo United is waydaarsanayaan xiddigaha Lukaku Iyo Dybala.

Halyeeyga Kooxda Man United ee Patrice Evra ayaa la xidhiidhay xiddiga reer Argentina ee Paulo Dybala si uu ugu qanciyo in uu ku biiro kooxda ku ciyaarta Old Trafford.

Kooxaha Juventus & Man United ayaa la sheegayaa in ay ka heshiiyeen saxiixa labada xiddig iyaga oo is dhaafan soona labada xiddig xagaagan.

Wargayska Gazzetta dello Sport ayaa sheegaya in uu Evra la xidhiidhay Dybala si uu ugu qanciyo in uu ugu biiro kooxda Man United inta lagu jiro xagaagan.

Evra ayaa Dyabal ka soo garab ciyaaray markii uu xiddiga reer France ku biiray kooxda Juventus markii uu ka tagay kooxda Man United.

Wakiilka Dybala ayaa shalay yimid England si uu u dhamaystiro heshiiska xiddiga laakiin Man United ayaa ilaa haatan ku dhibaatoonaysa in ay heshiiska shaqsiga ah kala heshiiso xiddiga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*