Victor Lindelof Oo Ka Fal Celiyay Wararka Harry Maguire La Xidhiidhinaya Man United Xagaagan

Xiddiga Daafaca uga ciyaara kooxda Man United ee Victor Lindelof ayaa Ka Fal Celiyay Wararka daafaca kooxda Leicester City ee Harry Maguire La Xidhiidhinaya Man United Xagaagan.

Daafaca reer England ee Harry Maguire ayaa lala xidhiidhinayaa kooxda Man United xagaagan xilli ay Red Devils doonayso xiddiga 80-ka milyan lagu qiimeeyo si ay ugu xoojiyaan daafaca.

Victor Lindelof ayaa u muuqda mid Harry Maguire ku soo dhaweeyay kooxda Mna United kaas oo ay Red Devlis si aad ah u doonayso xagaagan.

“Waan jecelahay tartanka”ayuu Lindelof u sheegay ESPN markii wax laga waydiiyay baacsiga United ee Harry Maguire.

“Waan Jecelahay run ahaantii”.

“Waxan u malaynayaa in ay kooxda u fiicantahay in boosaska tartan ka jiro, hadii aan xiddigo fiican ku haysato boos walba waa in aad u shaqayso si adag maalin walba gaar ahaan tababarka taasna waxa ay caawinaysaa kooxda”.

“Aniga ahaan way ii fiicantahay, waan jecelahay, waxan u malaynayaa in uu xiddig walba oo kooxda ah doonayo in uu ku jiro heerkiisa ugu sareeya”.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*