Sterling Oo Sameeyay Qirasho La Yaab Leh Oo Ku Saabsan Liverpool

Xiddiga garabak weerarka uga ciyaara kooxda Man City iyo xulka qaranka England ee Raheem Sterling ayaa sameeyay qirasho la yaab leh oo ku saabsan kooxdiisii hore ee Liverpool.

Xiddiga reer England ee Raheem Sterling ayaa shaaca ka qaaday in uu ciyaar gacmeedka ku ciyaaro FIFA kooxdiisii hore ee Liverpool.

Raheem Sterling ayaa isaga tagay kooxda Liverpool isaga oo ku biiray kooxda Man City xagaagii 2015 isaga oo si xun uga tagay kooxda kana xanaajiyay taageerayaal badan oo kooxda Reds Ah.

Si kasta ha ahaatee inkasta oo uu u ciyaaro kooxda Man City hadana Raheem Sterling ayaan iloobin kooxdiisii hore ee Liverpool qalbigana ku haya kana mid tahay kooxaha uu ugu jecelyahay.

Xilli uu la hadlayo wargayska Daily Star ayuu Raheem Sterling sheegay in uu iska indha tiro kooxdiisa haatan marka uu ciyaarayo ciyaar gacmeedka isaga oo sheegay labada kooxood ee uu ku ciyaaro.

“Inta badan waxa aan ku ciyaaraa Paris Saint-Germain, inkasta oo aanay ahayn in aan sheego iyo kooxda Liverpool”.

Arintaas ayaan qancin taageerayaasha Man City kuwaas oo si weyn uga xanaaqay hadalka ka soo baxay xiddiga reer England inkasta oo ciyaar gacmeedku yahay kaliya mid aan dhab ahayn.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*