Sporting Lisbon Oo Ka Hadashay Xaqiiqada Wararka Sheegaya In Ay Man United Ku Dhawdahay Saxiixa Bruno Fernandes

Kooxda Sporting Lisbon ayaa ka hadashay xaqiiqada wararka sheegaya in ay kooxda Man United ku dhawdahay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Bruno Fernades.

Red Devils ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa saxiixa xiddiga reer Portugal ee Bruno Fernandes si ay ugu xoojiso khadka dhexe ee kooxdeeda xagaagan.

Waxa ay wargaysyadu maalmihii ugu dambeeyay isla dhex marayeen in ay kooxda Man United si aad ah ugu dhawdahay in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Bruno.

Laakiin Af hayeenka kooxda Sporting Lisbon oo waraysi siiyay wargayska Mirror ayaa ka hadlay xaqiiqada wararkaas isaga oo yidhi” Waxba kama jiraan wararkaas, kamaanu helin dalab Rasmi ah Man United oo ay ku doonayso Bruno”.

“Wararkaas way khaldan yihiin gabi ahaan”.

Wararkan ayaa imanaya xilli xidhitaanka suuqa kala iibsiga xagaagan ee premier League ka hadhsan tahay kaliya 7 maalmood.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*