Sergej Milinkovic-Savic Mise Bruno Fernandes? Man United Oo Go,aansatay Xiddiga Ay U Dhaqaaqayso Adeegiisa

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay go,aan ka gaadhay saxiixyada xiddigaha lala xiriirinayo xagaagan ee khadka dhexe ka ciyaara ee Sergej Milinkovic-Savic Iyo Bruno Fernandes sida ay sheegayaan wararku.

Man United ayaa dooratay in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Lazio ee Sergej Milinkovic-Savic halkii ay u dhaqaaqi lahaayeen xiddiga khadka dhexe ee Bruno Fernandes sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Spain.

Red Devils ayaa suuqa ugu jirta xiddig khadka dhexe ah xilli uu shaki ku jiro mustaqbalka Payl Pogba waxana lala xidhiidhinayaa xiddigo dhawr ah oo khadka dhexe ka ciyaara.

Xiddigaha Sean Longstaff, Fernandes, Milinkovic-Savic & Christian Eriksen ayaa dhamaantood ah xiddigaha lala xidhiidhinayo kooxda Man United xagaagan.

Fernandes ayaana u muuqda mid ugu cad-cad in uu ku soo biiro Old Trafford.

Xiddiga khadka dhexe ee Sporting Lisbon ayaa doonaya in uu ka ciyaaro premier League xilli lagu soo waramayo in uu wakiilkiisu dhawr jeer yimid dalka England.

Laakiin wargayska AS ayaa sheegaya in ay Man United haatan ka dooratay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Milinkovic-Savic iyaga oo iska daayay xiddiga reer Portugal.

Warkan ayaa imanaya kadib markii ay xalay soo bexeen warar sheegaya in ay United ku dhawdahay saxiixa xiddiga kooxda Lazio.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*