Sarri Oo Ka Hadlay Xaqiiqada Wararka Sheegaya In Uu Khilaaf La Galay Ronaldo Kadib Markii Uu Badalay Kulankii Tottenham

Cristiano Ronaldo ayaa ka baxay kulankii Juventus guuldarada kala kulantay kooxda Tottenham kulan ka tirsanaa isku diyaarinta xilli ciyaareedkan isaga oo la hadlay tababare Maurizio Sarri ka hor intii uuna ka bixin garoonka.

Wargaysyo badan ayaa sheegaya in uu Cristiano Ronaldo si weyn uga xanaaqay badalkii uu tababaruhu ku sameeyay iyo in ay dhibaatooyinka tababaraha iyo xiddigu haatanba bilowdeen.

Laakiin Tababare Maurizio Sarri ayaa ka hadlay wararkaas ka hor kulanka ay Inter Milan la ciyaari doonaan isaga oo yidhi”Waxa aan Cristaino isku afgaranay in uu ciyaaro muddo saacad ah”.

“Ronaldo ayaa i waydiiyay saacad markii uu ciyaarta ka baxay waanan u sheegay kadib waxa aan waydiiyay sida uu yahay”.

“Kulanka Inter Milan waxa uu ku bilaaban doonaa ciyaarta isaga oo ka ciyaaro doona garabka weerarka Bidix waxana aan ogaan doonaa waxa uu qabto”.

Cristiano Ronaldo ayaa isha ku haya in uu xilli ciyaareedka cusub dhaliyo goolal badan kuna guulaystay gool dhalinta Serie A-da.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*