Runta Ka Dambaysa Wararka Man United La Xidhiidhinaya Nicolas Pepe & Bruno Fernandes Oo La Ogaaday

Kooxda Man United ayaa ka shakisan in kooxaha kale ay reer Yurub Kooxdooda u adeegsanayaan in ay kor ugu qaadaan qiimaha xiddigohooda ay isku dayayaan in ay iibiyaan xagaagan.

United ayaa lala xidhiidhiayaa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Lille ee Nicolas Pepe iyo xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Sporting Lisbon ee Bruno Fernandes todobaadyadii ugu dambeeyay.

Labada xiddig ayay kooxohoodu ku qiimeeyaan lacag dhan 70 Milyan oo euro Laakiin Mamulka Old Trafford ayaan wax talaabo ah u qaadin labada xiddig waliba aan xiiso u qabin in ay keenaan Manchester.

Wararka sida joogtada ah ula xidhiidhinaya Xiddigaha Pepe & Fernandes ayaa ka xanaajiyay kooxda Man United.

Waxana ay haatan ka shakisan yihiin in ay kooxaha iyo wakiiladoodu magaca Man United u adeegsanayaan in ay kor ugu qaadaan qiimaha ay ku iibinayaan xiddigaha.

Pepe ayaa sidoo kale lala xidhiidhinayay Liverpool bilowgii xagaagan taas oo madaxda Reds ku qasabtay in ay La Xidhiidhaan Lille una sheegaan in ayna wax xiiso ah u qabin xiddiga.

Xiddiga khadka dhexe ee Fernandes ayaa dhankiisa qirtay in uu xiiso u qabo ka ciyaarista horyaalka premier League xilli lala xidhiidhinayo Man United.

Laakiin Red Devils iyo tababare Solskjaer ayaan wax xiiso ah u qabin saxiixa xiddiga laakiin doonaya xiddiga Newcastle ee Sean Longstaff kana gudbin doona dalab maalmaha soo socda.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*