Ronaldo, Neymar, Mbappe, Maguire, Alaba & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Waxa meel xasaasi ah maraya suuqa kala iibsiga xagaaga oo ay kooxaha reer yurub iyo waliba kuwa adduunku suuqa ugu jiraan sidii ay ula soo saxiixan lahaayeen xiddigo ay ku xoojiyaan kooxdooda.

Suuqa ayaa ilaa haatan laga sameeyay saxiixyo waaweyn laakiin waxa sidoo kale maalin walba kooxaha lala xiriiriyaa xiddigo ay doonayaan in ay la soo wareegaan si ay ugu xoojiyaan kooxda.

Hadaba waxa ay kooxda.com idiin soo gudbin doontaa wararkii ugu dambeeyay ee ay wargaysadu ka qoreen suuqa kala iibsiga xagaagan waxana aan idin xasuusinaynaa in ayna kooxda.com masuul ka ahayn wararka laakiin aan ka soo xiganay wargaysyada ku hor qoran.

Paris St-Germain ayaa ku hor martay tartanka loogu jiro daafaca Midig ee kooxda Tottenham ee Danny Rose Iyaga oo ku rajo weyn in ay ku dhamaystiri karaan heshiiska 20 Milyan (Sun).

Tottenham ayaa 40 Milyan dul dhigaysa madaxa Toby Alderweireld marka uu lacagta 25-ka milyan ah ee lagu bur-burin karo heshiiskiisu dhoco jimcaha (Telegraph).

Gudoomiye ku xigeenka Man United ee Ed Woodward ayaan Xiddigaha Man United kula biiri doonin ka qayb galka kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub isaga oo sii wadaya dhamaystirka saxiixyada cusub (ESPN).

Ed Woodward ayaa ku rajo weyn in ay Man United dhamaystiri doonto saxiixa xiddiga daafaca ka ciyaara ee Harry Maguire iyo xiddiga khadka dhexe ee Sean Longstaff (London Evening Standard).

Man United ayaa inter Milan u sheegtay in uu wakhtigu ka ordayo hadii ay doonayaan dhamaystirka saxiixa xiddiga Romelu Lukaku (Mail).

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Sporting Lisbon ee Bruno Fernandes ayaa qirtay in uu doonayo in uu ka ciyaaro premier League xilli lala xidhiidhinayo Man United (Mirror).

Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa sheegay in uu doonayo in uu hal xiddig ku soo daro kooxdiisa laakiin waxa sheegay in uu ka duwanaan doono xagaagii hore (Liverpool Echo).

Rajadii Wilfried Zaha ee ku biirista Arsenal ayaa dhirbaaxo la kulantay kadib markii ay Crystal Palace ka daashay wadahalada aan qiimaha fiican lahayn ee ay Arsenal la imanayso (Mail).

Daafaca dhexe ee kooxda Saint Etienne ayaa maanta oo Arbaca ah tijaabada caafimaadka u mari doona kooxda Arsenal (TeamTalk).

Kooxda Man United ayaa isku dayi doonta in ay Cristiano Ronaldo ku soo celiso premier League kadib khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo tababare Maurizio Sarri (Don Balon).

Xiddiga Kylian Mbappe ayaa iska diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda PSG xilli lala xidhiidhinayo Real Madrid (AS).

Ac Milan ayaa gabi ahaan isaga hadhay xiisihii ay u qabtay saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara Liverpool ee Dejan Lovren (Gazzetta dello Sport).

Antoine Griezmann ayaa hoos u dhigay wararka sheegaya in ay Barcelona u baahantahay Neymar xagaagan (AS).

Kooxda Juventus ayaa lagu soo waramayaa in ay lacag iyo waliba saddexda xiddig ee Paulo Dybala & Blaise Matuidi u soo Bandhigtay PSG si ay u Hesho Neymar xagaagan (Goal).

Kooxda Barcelona ayaa doonaysa saxiixa daafaca Bidix ee kooxda Bayern Munich ee David Alaba sabab la xidhiidha in uu ka ciyaari karo dhamaan daafacyada iyo waliba khadka dhexe (Mundo Deportivo).

Kooxda Lille ayaa Man United ka diiday dalab Rasmi ah oo aan la shaacin oo ay ku doonaysay saxiixa xiddiga garabka ka ciyaara ee Nicolas Pepe (La Void du Nord).

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*