Real Madrid Oo Uu Wakhtiga Ka Dhacayo Hadii Ay Doonayso Saxiixa Pogba, Imisa Ayaa U Hadhay?

Kooxda Real Madrid ayuu ka dhacayaa wakhtiga sidii ay ula soo saxiixan lahayd xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United Paul Pogba oo ka mid ah bartilmaameedyadii ugu waaweyna ee tababare Zinedine Zidane.

Real Madrid ayaa kaliya haatan haysata 15 maalmood in ay ku dhamaystirto saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba kaas oo uu Zidane si aad ah u doonayo adeegiisa xagaagan.

Hadii ay Real Madrid doonayso Real Madrid in ay la soo saxiixato Pogba ka hor inta uuna xidhmin suuqa premier League waa in ay bixiyaan lacagta waalida ah ee ay United dalabanayso.

3-da bilood ee ay wadahalada qaateen xiddiga iyo kooxda Real Madrid iyo wakhtiga yar ee ay wadahadaleen labada kooxood ayaa u muuqda mid ku dhaw in uu dhamaado.

Si kasta ha ahaatee Zidane ayaa si aad ah u doonaya xiddig khadka dhexe ah Florentino Perez ayaana isku dayi doona in uu u keeno tababaraha.

United ayaan qiimaha ay ku doonayso in ay ku Iibiso xiddiga hoos uga dhigi doonin 180 Milyan oo euro laakiin Florentino Perez ayaa ku rajo weyn in uu Pogba kooxdiisa ku qasbo in ay iibiso.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*