Real Madrid Oo Rigoorayaal Ku Garaacday Arsenal Xili Zidane Uu Fursad Siiyay Gareth Bale

Real Madrid ayaa guul ka gaartay Arsenal oo ay wada ciyaareen kulan ka tirsan tartanka saaxibtinimo ee International Champions Cup

Real ayaa ku badisay rigooro natiijadeeda aheyd 3/2 waxa ayna guud ahaan waqtigii caadiga ahaa ku dhameysteen min laba gool

Real kulankaas waxaa kaarka cas ka qaatay Nacho , waxaana goosha ku horeeysay Arsenal oo waxaa rigoore ugu dhaliyay daqiiqaddii 10-aad xiddigooda Lacazette

Arsenal oo ciyaar dar dar leh ciyaareysay ayaa waxa ay keeneen gool labaad daqiiqadii 22-aad waxaana saxiixay Aubameyang .

Xilli xaalka sidaas yahay , Arsenal daqiiqadii 40-aad waxaa kaarka cas laga siiyay Papastathopoulos, waxaana lagu nastay labadaas gool ee Arsenal

Soo laabashadii Real waxa ay soo badhigeen biloow fiican oo weerar ayay ahaayeen waxa ayna heleen goolka 1-aad daqiiqaddii 57-aad waxaana saxiixay Gareth Bale

Xilli weli dabaal degga lagu jiro laba daqiiqo ka dib Real gool labaad ayay keeneen waxaana saxiixay Assensio kaasi oo ugu dambeyn dhaawac culus looga saaaray ciyaarta waxa ayna ku dhamaatay min laab gool ka dibna rigooro tuurasho ayaa la aaday oo ay Real ku badiyeen

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*