Real Madrid Oo Guushii Ugu Horaysay Ee Saaxiibtinimooyinka Ka Gaadhay Fenerbahce & Benzema Oo Saddexley Dhaliyay.

Kooxda Real Madrid ayaa ugu dambayn dha-dhamisay guulaha kadib markii ay guul ka gaadheen kooxa reer Turkey ee Fenerbahce kulan ka tirsanaa Audi ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Tababare Zidane ayaa shax nooc kale ah ku soo galay kulankan isaga oo laba weerar ah ku ciyaaray laakiin Eden Hazard iyo Karim Benzema ku lamaaneeyay weerarka kooxdiisa.

Kooxda Fenerbahce ayaa Real Madrid kaga naxsatay goolka 1-aad daqiiqadii 6-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Garry Rodrigues kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0 xilli khaladaadka dhanka daafaca ee Real Madrid wali sii socdeen.

Laakiin Real Madrid ayaa daqiiqadii 12-aadba dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay Karim Benzema kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1 xilli dhanka weerarka Real Madrid si weyn uga fiicnayd kulankii hore.

Los Blancos ayaa daqiiqadii 34-aad dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Karim Benzema kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1 ay Real Madrid ku hogaaminayso.

Laakiin Kooxda Fenerbahce ayaa daqiiqadii 34-aad dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Nabil Dirar kaas oo ay kubadiisu ku dhacday xiddig Real Madrid ah.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay labada kooxood bar-baro ku yihiin laakiin Real Madrid soo bandhigtay qaab ciyaareed ka fiican midkii kulankii Tottenham.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayay Real Madrid si dar-dar leh ku bilabatay ciyaarta iyaga oo qaadayay weeraro ay doonayeen in ay dhaliyaan goolal kale oo ciyaarta wax ka badala.

Daqiiqadii 53-aad ayuu Karim Benzema u dhaliyay goolkii 3-aad ee kooxdiisa iyo goolkii 3-aad ee shaqsi ahaan isaga oo ciyaarta ka dhigay 3/2.

Laakiin Fenerbahce ayaan halkaas kaga hadhin Real waxana ay daqiiqadii 59-aad dhalisay goolka 3-aad ee bar-baraha iyada oo uu u dhaliyay xiddiga Ozan Tufan kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/3.

Zidane ayaa dhamaan wada badalay xiddigaha kooxdiisa isaga oo ku soo galay kulanka 11 xiddig oo cusub si uu frsad u siiyo xiddigaha kooxda.

Daqiiqadii 62-aad ayay Real Madrid dhalisay goolka 4-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Nacho Fernandez kaas oo ciyaarta ka dhigay 4/3.

Los Blancos ayaa sii dheeraystay hogaanka ciyaarta iyaga oo ay daqiiqadii 79-aad goolka 5-aad u dhaliyay xiddiga Mariano Diaz kaas oo ciyaarta ka dhigay 5/3.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Real Madrid gaadhay guusheedii ugu horaysay ee saaxiibtinimooyinka soona bandhigay qaab ciyaareedkoodii ugu fiicnaa ilaa haatan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*