RASMI: Atletico Madrid Codsatay In Griezmann Laga Ganaaxo Ciyaarista La Liga

Madaxweynaha Horyaalka La Liga ee Javier Tebas ayaa shaaca ka qaaday in ay kooxda Atletico Madrid dacwad ka dhan ah Barcelona ka gudbisay heshiiskii Antoine Griezmann iyaga oo dalbaday in xiddiga laga ganaaxo ciyaarista horyaalka La Liga.

Kooxda Barcelona ayaa todobaadyadii la soo dhaafay si Rasmi ah u xaqiijisay saxiixa Antoine Griezmann iyaga oo kala soo wareegay kooxda Atletico Madrid kadib markii ay bixiyeen lacagtii 120-ka ahaa ee lagu bur-burinayay heshiiskiisa.

Kadib ku dhawaaqistii Barcelona ee heshiiska Kooxda Atletico Madrid ayaa warbixin ka soo saartay in ay Barcelona heshiis la gaadhay xididga bishii March taas oo la macno ah in ay bixiso 200 oo Milyan si ay heshiiskiisa u bur-buriso maadama uu wakhtigaas heshiiska xiddiga lagu bur-burinayay lacagtaas.

Madaxweynaha Horyaalka La Liga ee Javier Tebas ayaa wargayska Mundo Deportivo u sheegay” Atletico Madrid waxa ay soo gudbisay dacwad ku saabsan heshiiskii uu Griezmann ugu biiray Barcelona waxana laga soo saari doonaa go,aan lagu eegayo xaqiiqada”.

“Dhanka xiriirla La Liga waxa jirta suurtagalnimo lagu ganaaxi karo Griezmann loona diidayo in uu u ciyaaro kooxda Barcelona laakiin waxa jirta xubin u gaar ah arintaas aniguna waxba kama odhan karo arintaas iyo waxa dhacaya”.

Griezmann ayaa kulankiisii ugu horeeyay u ciyaaray Barcelona kulankii ay chelsea 2/1 uga badisay Barcelona kana tirsanaa horyaalka La Liga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*