Puyol Oo Kashifay In Uu Laba Jeer Iska Diiday Dalab Uu Ka Helay Real Madrid & Sababta Oo Uu Sharaxay

Halyeeyga Kooxda Barcelona ee Carles Puyol ayaa shaaca ka qaaday in uu laba jeer iska diiday in uu ku biiro kooxda Real Madrid kadib markii uu dalab ka helay.

Khabiirka reer Spain ayaa sheegay in ay Real Madrid laba jeer isku dayday in ay la saxiixato kana afduubato kooxdiisa Barcelona xilli ciyaareedyadaii 2001/02 Iyo 2004/05.

“Real Madrid ayaa tababare ka dhigatay Jose Antonio Camacho waxana uu doonayay saxiixa aniga iyo Ronaldinho”ayuu Puyol u sheegay TV3

“Waxa ay isku dayeen laba jeer in ay ila saxiixdaan laakiin waxa aan joogay kooxda ugu fiican adduunka waxana aan doonayay in aan koobab kula guulaysto sidaas darteed waan iska diiday waxana aan iska sii joogay Barcelona”.

Puyol ayaa ugu dambayn xirfadiisa ciyaareed ku dhamaystay kooxda Barcelona isaga oo koobab badan kula guulaystay intii uu joogay kooxda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*