Miyuu Dhaawaca Asensio Arsenal Ka Hor Istaagi Doonaa Saxiixa Ceballos? Emery Ayaa Ka Jawaabay.

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Marco Asensio ayauu soo gaadhay dhaawac halis ah kulankii ay Real Madrid la ciyaaraysay kooxda Arsenal kulan ka tirsanaa isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Unai Emery ayaa diiday in uu xaqiijiyo in dhaawaca soo gaadhay Asensio kooxdiisa ka hor istaagi doono in ay hesho saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Dani Ceballos.

Waxa jira warar sheegaya in ay kooxda Arsenal aad ugu dhawdahay saxiixa Ceballos iyaga oo xitaa Real Madrid kala heshiiyay in ay xiddiga kula wareegaan heshiis hal sano oo amaah ah.

Asenio ayuu dhaawac halis ah soo gaadhay kaas oo la filayo in uu bilo ka maqnaado garoomada kubada cagta kadib markii Cusbitaal loola orday dhaawaca soo gaadhay dartiis.

Markii tababare Unai Emery wax laga waydiiyay in dhaawaca Asensio saamayn ku yeelan doono saxiixa Ceballso ayuu yidhi” Dhaawaca soo gaadhay Asensio waa war u xun Real Madrid”.

“Laakiin wax wax ah kama hayo in ay arintaas saamayn ku yeelan doonto Heshiiska Ceballso noogu soo wareegayo”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*