Miyaad Doonaysaa In Ay Liverpool Dib Ula Soo Saxiixato Philippe Coutinho Xagaagan? Taageerayaasha Liverpool Oo Codkooda Ka Dhiibtay,

Xiddiga Philippe Coutinho ayaa u muuqda mid ka shalaynaya in uu isaga tago kooxda Liverpool 18 bilood ka hor markii uu heshiis 142 milyan oo euro ah ugu biiray kooxda Barcelona.

Philippe Coutinho Ayaa haatan la sheegayaa in uu ogolaaday in uu heshiis 2 sano oo amaah ah ugu soo biiro Liverpool isaga oo kooxdiisa Barcelona u sheegay in ay u ogolaadaan in uu xagaagan ku laabto Anfield.

Liverpool iyo tababare Jurgen Klopp ayaa dhankooda diyaar u ah in ay dib u soo celiyaan hogaamiyohoodii hore ee khadka dhexe xagaagan si ay uga dhigaan saxiixooda weyn ee xagaagan.

Reds ayaa haatanba Barcelona miiska u saareen labad 2 sano oo amaah ah iyo in ay 100 Milyan kula wareegaan marka uu dhamaysto heshiiska Amaahda ah.

Wargayska Liverpool Echo ee ka soo baxa magaalda Liverpool ayaa taageerayaasha Liverpool waydiiyay go,aankooda waxa ay ka qabaan in ay Liverpool dib ula soo saaxiixato xiddigoodii hore.

Taageerayaasha Liverpool ayaa isku raacay in ay dib u soo dhaweeyaan xiddiga Philippe Coutinho iyada oo 66% ay u codeeyeen in ay Liverpool dib ula soo saxiixato xiddiga reer Brazil.

Laakiin 22% ayaa doortay in ayna Liverpool u dhaqaaqin Coutinho kuwaas oo u codeeyay in ayna Liverpool dib ula soo saxiixan xiddiga reer Brazil xagaaga.

Hadaba Hadii aad tahay taageere Liverpool ah waa sidee fikirkaaga ku aadan in ay Liverpool dib ula soo saxiixato Philippe Coutinho xagaagan?

19 Comments

  1. May uma pasını waayo cicinho naadiga aspax puu kunoqday mark-ii uu tagay AY waxnoqotay liverböl marna final gaartaty marna qaaday leeadr iima noqonkaro igada pilaa nasoip waaye barca oo waqti fiican kujirta oo cr7 katagay real ayuu waxtari waayay bayern bundesliga ha ıska heysatay dhowrsanno sanadkaaan waxa kudhaca halaarko iga qor

  2. Aniga waxaan qabaa in lakansano heshiiskaas waayo philip siwanagsan kuma bixin ani waxaan doranlahaa in lakeeno medinson 10 asagaa kaga wanagsan xiligaan

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*