Marco Asensio Oo Si Xun Ugu Dhaawacmay Kulankii Real Iyo Arsenal , Aubameyang Ayaa U Sabab Ahaa

Marco Asensio ayaa dhaawac culus waxa uu ku gaaray kulanka Real Madrid ay la ciyaareen Arsenal ee saaxibtinimo

Daqiiqaddii 63-aad ayaa la haleelay ka dib markii weeraryahanka Arsenal ee Aubameyang uu si xun u buurtay laacibkaas

Aubameyang ayaa garoonka laga saaray isaga oo ooynaya waxaana lagu qaaday gaariga lagu xabaaro dhaawacyada.

Wargeyska Marca ayaa sheegaya in dhaawacaas oo ahaa mid xooggan loo badinayo in laacibka uu ka gaaray dhanka jilibka

Assensio ayaa kulankaas Real u dhaliyay gool bar bar dhaca ahaa daqiiqadd dii 59-aad, waxaana la filayaa in Real war ka soo saari doonaan saacadaha soo socda

Kulankaas ayay Real ku  badiyeen  rigoorayaal ka dib markii waqtigii caadiga  ahaa  ay isla dhaafi waayeen min 2/2

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*