Man City Oo Nus Darsin Goolal Ah Kaga Badiyay Kitchee & Leroy Sano Oo Laba Gool Dhaliyay.

Kooxda Man City ayaa guul weyn gaadhay kulankii 3-aad ee kulamadeeda isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub iyaga oo xasuuqday kooxda ugu guulaha badan Hong Kong ee Kitchee.

Tababare Pep Guardiola ayaa kulanka ku soo galay shax adag isaga oo aan waxba la hadhin xiddigihiisa ugu muhiimsan kuwaas oo uu doonayay in ay si fiican iskula sii qabsadaan.

Kooxda Man City ayaa daqiiqadii 15-aad dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga khadka dhexe ee David Silva kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Man City ayaa u muuqatay kuwo tababar ku jira iyaga oo baas-baaska isugu dhiibayay sidii in ay tababarkooda ku jiraan oo kale iyaga oo aan wax cadaadis ah kala kulmin kooxda la ciyaaraysa.

Ka hor intii ayna dhamaan qaybta hore ee ciyaarta ayay Man City dhalisay goolka 2-aad daqiiqadii 40-aad iyaag oo uu Leroy Sane u dhaliyay goolka una dheereeyay hogaanka.

Raheem Sterling ayaa 3 daqiiqo kadib gaar ahaan daqiiqadii 43-aad sii dheereeyay hogaanka kooxdiisa isaga oo dhaliyay goolkii 3-aad ee kooxdiisa Man City kana dhigay ciyaarta 3/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay man City si raaxo leh u ciyaarayso waliba u muuqata qaar aan wax dhibaato ah kala kulmayn kooxda ka soo hor jeeda.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayay si dar-dar leh ku bilowdeen waxa ay daqiiqadii 55-aadba dhaliyeen goolka 4-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay Leroy Sane kaas oo sii dheereeyay hogaanka ciyaarta.

Kooxda difaacanaysa premier League ee City ayaa dhalisay goolkeedii 5-aad ee ciyaarta daqiiqadii 80-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga da,yarka ah ee Nabili Touaizi kaas oo ciyaarta ka dhigay 5/0 ay Man City ku hogaaminayso ciyaarta.

Kooxda Kitchee ayaa soo ceshatay goolka iyaga oo daqiiqadii 85-aad u dhaliyay goolka xiddiga Tsz-Chun Law
kaas oo ciyaarta ka dhigay 5/1 ay ciyaarta wali man city ku hogaaminayso.

Kooxda Man City aya dhalisay goolkiisii 6-aad iyaga oo uu u dhaliyay da,yarka Iker Pozo kaas oo ciyaarta ka dhigay 6/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay City gaadhay guul weyn oo ay ka gaadhay kooxda ugu guulaha abdan Hong Kong.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*