Malcom Oo Ku Dhaw In Uu Isaga Tago Barcelona & Kooxda Uu Ku Biirayo Oo La Ogaaday

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Barcelona ee Malcom ayaa ka sii socda kooxda Barcelona isaga oo ku dhaw in uu isaga tago kooxda hal sano kadib markii uu ku soo biiray kooxda.

Xiddiga garabka ka ciyaara ee Malcom ayaa ku dhaw in uu isaga tago kooxda Barcelona isaga oo ku dhaw in uu ku biiro kooxda reer Russia ee Zenit St Petersburg.

Agaasimaha kooxda reer Russia ee Javier Ribalta ayaa haatan ku sugan magaalada Barcelona si uu u dhamaystiro heshiiska xiddigii hore ee kooxda Bordeaux.

Wargayska MARCA Ayaa sheegaya in wax walba oo heshiiska ku saabsan la dhamaystiray wakhtigii xiddiga reer Brazil ee Barcelona oo uu dhamaanayo.

Wargayska ayaa sheegaya in waxa kaliya ee haatan dhacay tahay in lagu dhawaaqo heshiiska iyada oo labada kooxood ka heshiiyeen 40 milyan oo toos ah iyo 5 milyan oo Guno ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*