Lukaku Oo Ogolaaday In Uu Ku Biiro Juventus & Faah-Faahinta Heshiiska Oo La Ogaaday

Weeraryahanka kooxda Man United ee Romelu Lukaku ayaa ku sii dhawaanaya kooxda Juventus kadib markii uu ogolaaday in uu ku biiro kooxda reer Italy isaga oo heshiiska shaqsiga ah la gaadhay kooxda ku guulaystay horyaalka Serie A-da.

Wadahaladada heshiiska si waydaarsiga ah ee u dhexeeyay kooxaha Man United iyo Juventus ayaa maraya meel horumar ah kadib markii uu xiddiga reer Belguim ogolaaday in uu ku biiro Juventus.

Red Devils ayaa xiddiga reer Belguim ka reebtay dhamaan kulamadii siku diyaarita xilli ciyaareeda cusub xill uu u muuqdo in uu isaga caraabayo kooxda ku ciyaarta Old Trafford.

Kadib todobaadyado badan oo ay Inter Milan iyo Man United isku fahmi waayeen qiimaha xiddiga ayaa u wajahn kooxda Juventus iyaga oo Dybala ka qayb dhigi doona heshiiska.

Wargayska Gazetta dello Sport ayaa sheegaya in uu Lukaku haatan heshiiska shaqsiga ah la gaadhay Juventus isaga oo diyaar u ah in uu ku biiro kooxda Juventus xagaagan.

Xiddigii hore ee kooxda chelsea ayaa qalinka ku duugi doona heshiis 5 sano ah oo uu sanadkii ku qaadan doono lacag dhan 9 milyan oo euro taas oo la macno ah in uu todobaadkii qaadan doono 160 kun oo Gini todobaadkii.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*