Liverpool OO Guul Ku Soo Xidhatay Kulamada Saaxiibtinimooyinka Kadib Guul Ay Ka Gaadheen Lyon

Kooxda Liverpool ayaa guul ku soo xidhatay kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub kadib guul ay ka gaadheen kooxda Lyon kulan ay Reds qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigtay.

Jurgen Klopp ayaa shaxdiisa ku soo bilaabatay laba ka mid ah weeraryahanadiisa ugu muhiimsan kuwaas oo kala ahaa Mohamed Salah iyo Roberto Firmino halka uu Alisson ku bilowday goolka kooxdiisa.

Goolhaye Alisson ayaa markiiba sameeyay khalad kadib markii ay kubad ka baxsatay gacmihiisa kadib khalad ku galay weeraryahan kooxda Lyon ah sidaasna rikoodhe loogu dhigay Kooxda reer France.

Daqiiqadii 4-aad ayuu rikoodhaha gool u badalay xiddiga Memphis Depay kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0 ay kooxda Lyon ku hogaaminayso ciyaarta.

Laakiin Liverpool oo ka qaab ciyaareed fiicnayd Lyon ayaa bilowday raadinta goolka bar-baraha iyaga oo kooxda reer France ku qaadayay weeraro aan kala joogsi lahayn.

Daqiiqadii 17-aad ayay Liverpool dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay weeraryahanka Roberto Firmino kaas oo ciyaarta ku soo celiyay bar-baro 1/1 ah.

Liverpool ayaa samasay fursado halis ah oo ay ku dhalin kartay goolal intaas ka badan laakiin waxa u suurtagali wayday in ay gool u badalaan fursadihii ay helayeen.

Daqiiqadii 21-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 2-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga daafaca uga ciyaara Lyon ee Joachim Andersen kaas oo si khaldan isaga dhaliyay goolka.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Liverpool qaab ciyaareed cajiib ah ku ilowday kulamadii hore ee laga soo badiyay saaxiibtinimooyinka.

Qaybtii dambe ayay Liverpool gabi ahaan ka awood badnayd kooxda Lyon iyaga oo soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.

Daqiiqadii 53-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 3-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Willson kaas oo gool gantaal ah u dhaliyay ciyaartana ka dhigay 3/1.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*