Liverpool Oo Bar-Baro Ku Dhaafi Wayday Sporting Lisbon & Bartilmaameedka Man United Ee Fernandes Oo Red Gool Ka Dhaliyay

Kooxda Liverpool ayaa bar-baro ku soo xidhatay safarkeedii dalka America kadib markii ay bar-baro la galeen kooxda Sporting Lisbon kulan ka tirsanaa isku diyaarinta labada kooxood ee xilli ciyaareedka cusub.

Tababare Jurgen Klopp aya ciyaarta ku bilowday xiddigaha waaweyn isaga oo siiyay 70 daqiiqo qaarkoodna siiyay 80 daqiiqo si uu ugu diyaariyo kulanka Community Shield-ka.

Kooxda Sporting Lisbon ayaa gool wakhti hore ah dhalisay kadib markii uu goolhaye Simone Mignolet sameeyay khalad dilaa ah kaas oo uu gool u badalay xiddiga sida weyn loola xidhiidhinayo Man United ee Bruno Fernandes kas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Kooxda Sporting Lisbon ayaa wax walba kaga fiicnaynd kooxda Liverpool hadii ay noqoto kubad haysahsada oo ay gaadhsiiyeen 56%.

Laakiin daqiiqadii 20-aa ayay Liverpool dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga weerarka uga ciyaara ee Divock Origi kaas oo ciyaarta ka dhigay bar-baro 1/1.

Ka Hor intii ayna dhamaan qaybtii hore ee ciyaarta ayay Liverpool daqiiqadii 45-aad dhaliyeen goolka 2-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Georginio Wijnaldum kaas oo uu ciyaarta ka dhigay 2/1 ay Liverpool ku hogaaminayso ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore oo ay Liverpool ku hogaaminayso ciyaarta laakiin laga qaab ciyaareed fiicnaa 100% xill ayna soo bandhigin qaab ciyaareed indha qabatin leh.

Qaybtii dambe ayay Sporting Lisbon goolka bar-barha dhalisay daqiiqadii 54-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Wendel kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/2 ay ciyaartu bar-baro ku tahay.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Liverpool bar-bar la gashay kooxda Sporting Lisbon xilli ayna Liverpool wax guul ah gaadhin kulamadii America ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*