Leicester City Oo Farriin Cusub U Dirtay United , Harry Maguire Ayay La Xariirtaa

Tababaraha koxoda Leicester City ee Brendan Rodgers ayaa hoosta ka xariiqay in United u baahan tahay in ay bixiyaan qiimaha ay dul dhigeen xiddigooda Harry Maguire .

Harry Maguire ayaa si weyn loogu badinayaa in xagaagaan uu baxayo waxaana kooxaha doonaya ugu xooggan United oo ay ku wehliso Man City

Kooxda Leicester City ayaa dooneysa aduun dhan 80 milyan oo gini si hishiska loo dhameystiro xilli la xusayo in laacibka qudhiisa uu aad u haminayo in uu u wareego United

Brendan Rodgers ayaa wargeyska Metro ka yiri” xaalka kooxda waa uu wacan yahay mana jiraan wax cadaadis ah oo kooxda ku qasbaya in ay xiddigahooda iibiyaan”.

“Haddii Harry Maguire uu doonayo in uu kooxda ka tago hadaba kooxda United waa ay bixiyaan qiimaha aynu ku fasaxi karno laacibka” ayuu sii raaciyay macalinkaas hore Liverpool
” Haddii lala yimaado qiimaha aynu dooneyno dhab ahaan go`aan buuxa ayaan Harry Maguire ka qaadaneynaa” ayuu ku sii daray

United ayaa laacibkaas dooneysa in ay ka dhigaan daafaca ugu qaalisan dunida balse lacagta ay kooxdiisa uga soo iibsanayaan ayaa ah 60 milyan oo gini waana midda Leicester City ay diidan tahay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*