Lampard Oo Ka Hadlay Wararka Sheegaya In Uu Willian Kooxda U Xidhan Doono No.10 Xilli Ciyaareedka Cusub

Tababaraha Kooxda chelsea ee Frank Lampard ayaa ka hadlay in uu Xiddiga reer Brazil ee Willian Qaadan Doono Lambarkii Eden Hazard ee No.10 xilli ciyaareedka dambe kadib markii uu Willian sheegay in uu qaadan doono lambarka.

Willain ayaa dhawaan sheegay in uu isagy qaadan doono Lambarka No.10 ee kooxda chelsea xilli ciyaareedka dambe kadib markii uu Hazard isaga tagay kooxda xagaagan.

Hazard ayaa ka tagay kooxda xagaagan isaga oo ku biiray Real Madrid taas oo la macno ah in uu xiddig kale kooxda u xidhan doono No.10 xilli ciyaareedka cusub.

Willian oo la hadlaya Tv-ga Desimedidos ayaa yidhi” Waxa la ii soo bandhigay in aan xidho Lambarka No.10 xilli ciyaareedka cusub waanan qaadan doonaa”.

Willian ayaa chelsea u xidhan jiray No.22 tan ilaa markii uu ku soo biiray laakiin Lampard ayaa diiday in uu xaqiijiyo in uu xiddiga reer Brazil xidhan doono lambarkii uu Hazard baneeyay.

“Ma jirto wax xaqiijin ah go,aankaas”kadib ciyaartii ay chelsea 2/1 uga badisay kooxda Barcelona.

“Waxa la ogaan doonaa dhawaan, waxa aan ku rajo weynahay in uu tababarka ku soo laabto bilowga bisha August”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*