Kuma Ayuu Ahaa Xiddigii Xidhay Lambarka Coutinho Ee Barcelona Ee No.7 Kulankii Chelsea?

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Barcelona ee Philippe Coutinho ayaa seegay kulankii maanta ay Barcelona la ciyaartay kooxda chelsea sabab la xidhiidha in uu qaadanayo fasax kadib markii uu ka qayb qaatay koobka Copa America xagaagan.

Laakiin Lambarka Philippe Coutinho ayaa lagu arkay ciyaarta iyada oo uu xidhnaaa da,yarka kooxda Barcelona ee Carles Perez kaas oo ka qayb qaatay kulankii ay Barcelona guuldarada 2/1 ah kala kulantay Chelsea.

Coutinho ayaa si weyn loola xiriirinayaa ka tagista Barcelona xagaagan xilli uu shaki weyn ku jiro mustaqbalkiisa lana xiriirinayo kooxda Liverpool iyo PSG oo uu ka qayb noqon karo heshiiska Neymar.

Talaabada ay Barcelona qaaday No.7 ku siisay da,yarka ayaa shaki ku sii tuurtay mustaqbalka xiddiga marka loo eego in lambarada Suarez iyo Messi aanay xiddigo kale xidhan kulanka.

Mustaqbalka xiddiga reer Brazil ayaa kala cadaan doona marka uu xiddiga reer Brazil ku soo laabto Tababarka kooxda Barcelonaa.

Carles Perez ayaa ah xiddig da,yar ah oo u ciyaara kooxda Barcelona B waxana uu ka mid yahay xiddigaha da,yarka ah ee sida fiican ugu soo kacaya kooxda iyada oo la filayo in loo soo daloco xilli ciyaareedka dambe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*