Klopp Oo Ka Hadlay Xaqiiqada Wararka Liverpool La Xidhiidhinaya Coutinho.

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka hadlay wararka Kooxdiisa La Xidhiidhinaya Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Barcelona iyo xulka qaranka Brazil ee Philippe Coutinho.

Tababare Jurgen Klopp ayaa sheegay in ayna Liverpool dib ula soo saxiixan doonin xiddiga Barcelona ee Philippe Coutinho xagaagan.

Xiddiga reer Brazil ayaa isaga tagay Liverpool xagaagii 2018 isaga oo ku biiray Barcelona uguna biiray lacag dhan 142 milyan oo euro laakiin ku dhibaatooday Camp Nou.

Waxa jiray warar si weyn Liverpool ula xidhiidhinayay xiddiga reer Brazil xagaagan xilli uu xitaa Halyeeyga Liverpool ee Jamie Carragher kula taliyay Klopp in uu dib u soo celiyo xiddiga.

Laakiin Klopp ayaan ku qanacsanayn arintaas waliba Coutinho u rajeeyay in uu dib u helo qaab ciyaareedkiisii fiicnaa isaga oo jooga Barcelona.

“Guud ahaan Phil Coutinho waxa uu caawin karaa koox kasta oo adduunka ah 100% shaki kuma jiro arintaas”ayuu Klopp U Sheegay ESPN.

“Waan jecelahay Phil waa xiddig cajiib ah laakiin waxa ay u baahantahay lacag aad u badan la soo saxiixashadiisu mana ahan sanadkeenii”.

“Kaliya ma ahan suurtagal, sidii aan horay u sheegay Waxa uu caawin karaa koox kasta oo adduunka ah laakiin waxa aan ogahay waxa uu qabanayo laakiin waxa kale waa kaliya wargaysyada”.

“Hadii ay wax walba oo ay wargaysyadu sheegeen run ahaayeen, waxa aan rajaynayaa in uu dib u helo qaab ciyaareedkiisii fiicnaa iskana sii joogo halkaas”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*