Juventus Oo Rikoodhayaal Ku Garaacday Inter Milan & de Ligt Oo Gool Iska Dhaliyay

Kooxaha Juventus iyo Inter Milan ayaa isku bar-bar dhacay kulan xiiso lahaa oo dhex maray labada kooxood kana tirsanaa isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ee labada kooxood.

Kulanka ayaa ahaa mid laga fiicnaa Juventus qaybtii hore iyada oo kooxda Inter Milan weeraro rogaal celis ah oo halis ah ku qaadaysay kooxda Juventus.

Kooxda Inter Milan ayaa dar-dartii ay ku bilaabatay ciyaarta ka faa,iidaystay iyaga oo gool wakhti hore ah ka dhaliyay kooxda Juventus hogaankana u qabtay ciyaarta.

Daqiiqadii 10-aad ayay Inter Hogaanka u qabatay ciyaarta kadib markii uu gool iska dhaliyay daafaca cusub ee kooxda Juventus ee Matthijs de Ligt kaas oo hogaanka u dhiibay Inter Milan.

Kooxda Juventus ayaa ku bilaabatay ciyaarta si aad u hoosaysa iyada oo ay xiddigaha kooxdu ku dhibaatoonayaan in ay la qabsanaa “Sarri-Ball”.

Inter Milan ayaa ugu yaraan samaysay 3 fursadood oo goolal kale laga dhalin karo ciyaarta laakiin waxa ay u suurtagali wayday in ay shabaqa dhex-dhigaan kubada.

Juventus ayaa fursadii ugu horaysay ee ciyaarta heshay daqiiqado yar ka hor intii ayna dhamaan qaybtii hore ee ciyaarta iyaga oo uu ka khasaariyay xiddiga Federico Bernardeschi.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta iyaga oo ay Inter Milan ka qaab ciyaareed fiicnaayeen Juventus waliba dhalin kareen goolal ka badnaa intii ay dhaliyee.

Juventus ayaa qaybtii dambe ee ciyaarta ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo raadinayay in ay ciyaarta dhankooda u rogaan Inter-na ku qaadayay weeraro iyo waliba maamulista kubada oo ay haysteen.

Daqiiqadii 68-aad ayay Juventus dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Cristiano Ronaldo Kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1 ay Juventus ugu soo laabatay ciyaarta.

Kadib markii ay labada kooxood bar-baro 1/1 ah isku dhaafi waayeen waxa loo qabtay rikoodhayaal si ay u kala baxaan.

Ugu dambayn kooxda Juventus ayaa 4/3 rikoodhayaal ah ku garaacday kooxda Inter Milan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*