Jurgen Klopp Oo U Jawaabay Paul Ince Oo U Sheegay In Uu U Dhaqaaqo Gareth Bale

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka hadlay wararka kooxdiisa la xidhiidhinaya xiddiga ku dhibaataysan kooxda Real Madrid ee Gareth Bale kaas oo loo sheegay in uu u dhaqaaqo adeegiisa xagaagan si uu ugu xoojiyo kooxdiisa.

Klopp ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya in ay Liverpool Gareth Bale ka badbaadin karto dhibaatada Real Madrid xagaagan.

Inkasta oo uu 4 champions League kula guulaystay Real Madrid hadana xiddiga reer Wales ayaa ku dhibaatoonaya in uu helo kalsoonida tababare Zinedine Zidane.

Tababaraha reer France ayaa Axadii qirtay in uu doonayo in la iibiyo Bale Paul Ince ayaana soo jeediyay in ay Tahay in ay Liverpool u dhaqaaqdo saxiixa 30 jirka.

Laakiin Klopp oo arintaas Sky Sport kala hadlay ayaa yidhi”Ma garanayo sababta ay khabiiradan fiican ee kubada cagtu u haystaan firkadaha la yaab leh”.

“Maxaan odhan karaa, waan Ixtiraamaa dhamaantood, gaar ahaan ka ciyaartoy ahaan iyo ka shaqsi ahaan, waxa ay hadalkaas u sheegayaan sababta oo ah dadka ayaa waydiiya”.

“Bale waa xiddig Real Madrid ah, hadii uu ka tago xitaa waxa uu noqon doonaa mid qaali ah iyo waliba mushahar weyn oo uu qaadanayo, ma xalin karno dhibaatada kooxaha kale”.

“Waa xiddig cajiib ah waan jecelahay, waxa uu Finalkii champions League Liverpool ka qaaday kaligiis markii uu soo galay ciyaarta”.

“Laakiin isaga kaliya ma ahan waa in aan koox abuurto, kooxna ma ahan xiddig kaliya waa in aad isku keento xiddigo badan kuwaas oo xalin kara dhibaatadaada”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*