Coutinho Oo Sii Joogi Doona Barcelona Xagaagan & Sababta Oo La Ogaaday

Xddiga khadka dhexe ee kooxda Barcelona ee Philippe Coutinho ayaa lagu soo waramayaa in uu sii joogi doono kooxda Barcelona xilli ciyaareedka dambe sida laga soo xigtay wargayska El Mundo Deportivo.

Xiddiga reer Brazil ayaa si aad ah u doonayay in uu isaga tago kooxda Barcelona si uu u helo koox uu joogto ugu ciyaaro xilli ciyaareedka dambe.

Coutinho ayaa ku soo biiray Barcelona suuqii Jamuary ee 2018 isaga oo koxda ugu yimid 160 milyan oo euro laakiin haatan diyaar u ah in ay iska iibiso xagaagan waliba qiimo aad u hooseeya ku iibinaysa.

Xiddiga ayaa lala xidhiidhinayaa kooxaha Man United, Chelsea iyo PSG laakiin xiddiga ayaa diiday in uu kooxahaas ku biiro isaga oo kooxdiisa u sheegay in uu doonayo in uu kaliya ku laabto kooxda Liverpool.

Laakiin Liverpool iyo Jurgen Klopp ayaa meesha ka saaray in ayna u dhaqaaqi doonin saxiixa xiddiga inta lagu jiro suuqa xagaagan taas oo keentay in uu xiddigu go,aansado in uu iska joogo kooxda Barcelona xagaagan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*