Chelsea Oo Guul Weyn Ka Gaadhay Salzburg Xilli Pulisc LABA Gool Dhaliyay Mid Kalena Caawiye Ka Noqday

Kooxda chelsea ayaa guul weyn ka gaadhay kooxda Salzburg kulan ka dhacay garoonka Red Bull Arena kulan ka tirsanaa kulamada isku diyaarinta Blues ee xilli ciyaareedka cusub.

Kulanka ayaa ahaa mid uu wacdaro dhigay saxiixa cusub ee kooxda chelsea ee Christian Pulisic kaas oo furtay Akoonkiisa goolasha waliba dhaliyay 2 gool sidoo kale caawiye ka noqday mid kale.

Chelsea ayaa daqiiqadii 20-aad dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga xiddiga cusub ee Christian Pulisic kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0 ay Blues hogaaminayso ciyaarta.

Blues ayaa 3 daqiiqo kadib gaar ahaan daqiiqadii 23-aad dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu rikoodhe gool u badalay xiddiga khadka dhexe ee Ros Barkley kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Kooxda Lampard ayaa 2 daqiiqo gudohood ku dhalisay 2 gool si deg-deg ahna ula wareegtay hogaanka ciyaarta xilli ay u awood sheegteen kooxda ay martida u ahaayeen.

Saxiixa cusub ee Christian Pulisic oo ay ahayd Habeenkiisii ayaa daqiiqadii 28-aad dhaliyay goolka 3-aad ee kooxdiisa iyo goolkiisii 2-aad ee shaqsiga ahaaa.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay chelsea soo bandhigtay qaab ciyaareedkeedii ugu fiicnaa ee kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Qaybtii dambe ayay kooxda Salsburg dhalisay goolka 1-aad daqiiqadii 50-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Jerome Onguene kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/1.

Christian Pulisic ayaa markan caawiye noqday isaga oo daqiiqadii 57-aad caawiye ka noqday goolkii uu dhaliyay Pedro kaas oo ciyaarta ka dhigay 4/1 ay Blues ku hogaaminayso ciyaarta.

Kooxda Salzburg ayaa daqiiqadii 86-aad soo ceshatay gool kale iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Takumi Minamino kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/4 ay Wali Blues ku horayso.

Chelsea ayaa dhalisay goolkii 5-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay weeraryahanka Michy Batshuayi kaas oo daqiiqadii 88-aad dhaliyay goolka 5-aad ee kooxdiisa.

Laakiin Daqiiqadii 90-aad ayay Salzburg dhalisay goolka 3-aad iyaag oo uu u dhaliyay xiddiga Takumi Minamino kaas oo ciyaarta ka dhigay 5/3.

Waxana sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Blues sii wado qaab ciyaareedkeeda guul 5/3 ahna ka gaadhay kooxda Salsburg

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*