Carragher Oo Liverpool Kula Taliyay In Ay Dib Ula Soo Saxiixdaan Coutinho, Sabab

Halyeeyga Kooxda Liverpool ee Jamie Carragher ayaa kooxdiisii hore kula taliyay in ay xagaagan dib ula soo saxiixdaan xiddiga khadka dhexe ee Philippe Coutinho.

Kooxda ku guulaystay champions League xilli ciyaareedkii hore ayaa ilaa haatan ku fashilantay in ay saxiixyo waaweyn ku soo darto kooxda marka laga reebo 17 jirka Sepp van den Berg.

Xilli ay Liverpool horyaalka kula tartami doono Man City Klopp ayaa loo sheegayaa in uu la soo saxiixdo xiddig uu la tartansiiyo daafaca Bidix ee Andy Robertson iyo waliba saddexda xiddig ee weerarka uga ciyaara ee Mohamed Salah, Sadio Mane & Roberto Firmino laakiin Carragher oo 737 kulan u saftay Liverpool ayaa sheegay in uu doonayo in ay Liverpool u dhaqaaqo xiddig khadka dhexe ah oo kubad sameeye ah.

“Waxan u malaynayaa in ay horumarin karaan khadka dhexe”ayuu u sheegay Pundit Arena.

“Waxa aan wali aaminsanahay in ay kooxda ku soo daraan kubad sameeye, waxa ay isku dayeen in ay la soo saxiixdaan Nabil Fekir xilli ciyaareedkii hore laakiin waxa uu lacag aad u jaban ugu biiray Real Betis”.

“Waxa aan horay u sheegay in aan jeclaan lahaa in ay Liverpool dib u soo celiso Coutinho hadii ay suurgatal tahay”.

“Sida iska cad wuu ku dhibaatoonayaa Barcelona waxana aan u malaynayaa in uu wax weyn ku soo kordhin lahaa Liverpool”.

“Waxa kooxda jooga xiddigaha Adam Lallan iyo Xherdan Shaqiri laakiin ma ahan Coutinho waxa uu Siin karaa Liverpool wax ay kula tartamaan Man City”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*