Barcelona Oo Ka Fal Celisay Dalab Ay Man United Ka Gudbisay Samuel Umtiti

Wargayska Sport ayaa shaaca ka qaaday qaabkii ay kooxda Barcelona uga fal celisay dalab ay kooxda Man United ka gudbisay saxiixa daafaca samuel Umtiti inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Man United ayaa Umtiti u aragta badalka Harry Maguire kaas oo ay ku dhibaatoonayaan in ay kooxda Leicester City kala heshiiyaan saxiixiisa.

Laakiin Barcelona ayaa Mna United u sheegtay in uu Umtiti sii joogi doono kooxda Barcelona xagaagan ilaa ay waxyaabo lama filaan ah dhacaan mooyaane.

Barcelona ayaa Umtiti u aragta mid ka mid ah qorshaha tabaabre Valverde maadama ayna la soo saxiixan daafac dhexe inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Kooxda.com ayaa xusaysa in uu xiddiga reer France heshiis cusub u saxiixay kooxda Barcelona xagaagii hore isaga oo kooxda la joogi doona ilaa xagaaga 2023

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*