Arsenal Rikoodhayaal Ku Khaarajisay Kooxda Angers Xilli Goolhaye Martinez Rikoodhe Ka Qabtay Saaxiibkiisi Hore

Kooxda Arsenal ayaa guul la,aan ah kulankii 2-aad oo xidhiidh ah kadib markii ay bar-baro ku dhaafi wayday kooxda reer France ee Angers kulan ka tirsanaa kulamada saaxiibtinimooyinka ee Gunners.

Gunners ayaa kulanka soo gashay iyaga oo guuldaro kala kulmay Lyon todobaadkii hore si weyna u doonaya in ay ku soo laabtaan wadada guulaha.

Emery ayaa shaxda ku bilowday xiddigo da,yar u badan isaga oo kaydka dhigay inta badan xiddigihii kooxda 1-aad ee taamka u ahaa.

Kooxda Angers ayaa Arsenal ka dhalisay goolka 1-aad daqiiqadii 13-aad iyaag oo uu udhaliyay xiddiga Farid El Melali kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa kana dhigay ciyaarta 1/0.

Arsenal ayaa ahayd kooxda dhanka kubad haysashada ku fiican laakiin Angers ayaa qaadaysay weeraro Rogaal celis ah oo orod ah kuwaas oo ay Arsenal in badan Halis ku galiyeen.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Angers 1/0 ku hogaaminayso Ciyaarta inkasta oo ay Arsenal ahayd kooxda maamulaysay ciyaarta.

Qaybtii dambe ayuu Emery is badal ku sameeyay shaxdiisa isaga oo soo galiyay qayb ka mid ah xiddigaha waaweyn ee kooxdiisa si ay ugu soo laabtaan ciyaarta.

Daqiiqadii 50-aad ayay Arsenal dhalisay goolka 1-aad ahna goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Reiss Nelson kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Labada Kooxood ayaa isla aaday rikoodhayaal iyada oo Gunners ku badisay 4/3 kadib markii uu Goolhayaha Arsenal ee Martinez rikoodhe ka badbaadiyay saaxiibkiisii hore ee Jeff Reine-Adelaide

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Arsenal rikoodhayaal kaga badisay kooxda Angers kadib markii ay bar-baro isku dhaafi waayeen labada kooxood

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*