Arsenal Oo Dajisatay Qorshe Ku Saabsan Kabtankeeda Koscielny Kadib Markii Uu Diiday In Uu Raaco Kooxda

Kooxda Arsenal ayaa dajisatay qorshe ku aadan daafaceeda Laurent Koscielny kadib markii uu diiday in uu kooxda u raaco kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ee ay u safreen dalka America.

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay go,aansatay in ay Laurent Koscielny ka reebaan kooxda 1-aad kadib markii uu xiddigu diiday in uu kooxda raaco si uu ugu qasbo in la iibiyo.

Laurent Koscielny ayuu hal sano uga hadhay heshiiskiisa Arsenal isaga oo todobaadkii ku qaata lacag dhan 100 kun oo Gini waxana loo malynayay in uu daafaca dhexe raadinayo heshiis cusub laakiin waa la isku fahmi waayay.

Kadib bur-burkii wadahadalada xiddiga ayaa si lama filaan ah u diiday in uu kooxda u raaco kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub iyaga oo maamulka Arsenal sheegay in ay ka niyad jabsan yihiin ficilka xiddiga.

Wargayska Mirror ayaa sheegaya in ay kooxdu Laurent Koscielny ka reebtay gabi ahaan kooxda 1-aad iyaga oo ku qasbay in uu tababar la qaato da,yarka kooxda xitaa bilowga xilli ciyaareedka cusub.

Waxa la rumaysan yahay in ay kooxaha Bordeaux, Lyon & Rennes doonayaan adeega khabiirkan laakiin waxa ay diidan yihiin in ay bixiyaan lacagta 10-ka milyan ah ee ay Gunners ku qiimayso xiddiga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*