XOG: Wadadii Uu Xulka Portugal U Soo Maray Ku Guulaysiga Tartanka National League

Xulka Portugal ayaa ku guulaystay koobkii ugu horeeyay ee tartanka UEFA National League kadib markii ay garaaceen xulka Holland kulan xiiso lahaa oo ka dhacay isla dalka Portugal.

Gool uu u dhaliyay xiddiga Goncalo Guedes ayaa xulka Portugal ka caawiyay in uu noqdo xulkii ugu horeeyay ee ku guulaysta tartanka oo la qabtay markii ugu horaysay.

Xulka Portugal ayaa wado dheer u soo maray ku guulaysiga koobka kadib markii uu tartanka ka soo bilowday wareegii Group-yada kana soo badiyay xulal badan oo waaweyn qaar kalena bar-baro la soo galay.

Xulka Portugal ayaa ka soo badiyay xulalka Italy, Poland, Switzerland iyo waliba xulka Holland oo uu Finalka kaga badiyay kulankii caawa.

Portugal ayaa soo dhaliyay 7 kulan intii uu ciyaarayay tartanka UEFA National League isaga oo laga dhaliyay 4 gool halka ay shabaqooda ilaashadeen 3 kulan bar-barana galeen kaliya 2 kulan.

Halkan Kaga Bogo Natiijooyinkii xulka Holland ee tartanka:

Portugal 1-0 Italy

Portugal 3-2  Poland

Italy 0-0 Portugal

Poland 1-1 Portugal

Portugal 3-1 Switzerland

Portugal 1-0 Netherlands

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.