XOG: Real Madrid Oo Haatanba Jabisay Rikoodhkii Suuqii Xagaaga 2009

Imaatinka Ferland Mendy ee kooxda Real Madrid ayaa lacagta ay Real Madrid suuqa galisay kor ugu qaaday lacag dhan 300 oo Milyan oo euro.

Xiddiga reer France ayaa Real Madrid ugu soo biiray lacag dhan 48 Milyan oo euro iyo waliba 5 milyan oo Guno ah taas ayaana la macno ah in ay Real Madrid dhaaftay lacagtii ay suuqa galisay xagaagii 2009 oo ahayd 254 milyan euro markaas oo ay kula soo saxiixdeen xiddigaha Karim Benzema, Kaka, Xabi Alonso & Cristiano Ronaldo.

Los Blancos ayaa la soo saxiixatay 5 xiddig ilaa haatan xagaagan.

Rodrygo ayaa xagaagii hore ku biiray kooxda laakiin xiddig Real Madrid ah noqon doona xagaagan waxana uu ugu yimid 45 milyan oo euro, Daafaca Eder Militao ayaa isna ugu yimid 50 milyan oo euro halka weeraryahanka Luka Jovic ugu yimid kooxda 60 milyan oo euro iyo Eden Hazard oo 100 milyan ugu yimid si la mid ah lacagta Mendy.

Suuqa xagaaga ayaa aad u dheer xilli ay kooxdu iibin doonto xiddigo badan waxa la qorshaynayaa in ay yimaadaan xiddigo kale.

Hawl-galka Paul Pogba ayaa ah midka haatanb bilowday iyada oo ay kooxda Real Madrid diyaarinayso lacag dhan 150 milyan oo euro inkasta oo ay marka hore u baahantahay in ay xiddigo iska iibiso.

Gareth Bale ayaa laga yaabaa in loo isticmaalo heshiiska ama James Rodriguez xilli ay kooxdu haatan ogyihiin in kaliya loo baahanyahay in ay suuqa galiyaan lacag dhan 100 milyan oo euro.

Halkan Hoose Sawirka Kaga Bogo Is Bar-Bar Dhiga Xagaagn & Xagaagii 2009 ee Real Madrid:

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.