XOG: Cristiano Ronaldo Oo Lionel Messi Ku Garaacay Dhanka Koobabka Inkasta Oo Uu Ku Jiro Xilli Ciyaareedkiisii Ugu Xumaa Muddo 10 Sano Ah

Cristiano Ronaldo ayaa diwaan gashaday xilli ciyaareedkiisii ugu xumaa ee dhanka goolash muddo 10 sano ah laakiin waxa uu xilli ciyaareedka ku soo xidhay koobab uu kaga badan yahay xiddiga ay sida weyn u xafiiltamaan ee Lionel Messi.

34 jirkan ayaa dhaliyay kaliya 28 gool iyo 14 caawin 43 kulan uu u ciyaaray kooxda Juventux xilli ciyaareedkii dhamaaday taas oo ah rikoodhkii ugu xumaa ee gool dhalintiisa 10-kii sano ee lasoo dhaafay.

Si kasta ha ahaatee waxa uu ku dhamaystay si cajiib ah xilli ciyaareedka isaga oo xulka qaranka Portugal kula guulaystay koobka UEFA National League iyaga oo Finalkii 1/0 ku garaacay xulka qaranka Holland kaas oo ah koobkii 3-aad ee uu ku guulaystay xilli ciyaareedkan marka lagu daro Italian Super Cup iyo Serie A-da.

Lionel Messi ayaa dhanka kale ku raaxaystay xilli ciyaareed cajiib ah dhanka goolasha isaga oo dhaliyay 51 gool iyo 22 caawin 50 kulan oo uu u saftay kooxdiis Barcelona.

Si kasta ha ahaatee dhanka Koobabka Waxa uu ku guulaystay kaliya horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

Cristiano Ronaldo ayaa xitaa haatan kaga horeeya dhanka qiimayn in uu ku guulaysto abaalmarinta Ballon d’Or 2019 kadib markii uu ku guulaystay 3 koob xilli ciyaareedkan.

Qiimaynta Lionel Messi ee ku guulaysiga abaalmarinta shaqsiga ah ee ugu qiimaha badan kubada cagta ayaa hoos u dhacday kadib markii ay Barcelona ka hadhay Champions League sidoo kale Valencia ka qaaday koobka Copa del Rey-ga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.