XOG: Arintan Cadayn Ma U Tahay In Ay Liverpool Ku Guulaysan Doonto Horyaalka Premier League 2019/2020.

Waxa Si Rasmi ah loo saaray Kulamada horyaalka premier League xilli ciyaareedka cusub ee 2019/2020 kaas oo bilaabmi doona 9 bisha August maalin ku beegan Sabti.

Horyaalka Premier League ayaa lagu bilaabi doonaa kooxda Liverpool oo marti galin doonta kooxda u soo dalacday horyaalka premier League xilli ciyaareedkan ee ee Norwich City.

Kooxda Liverpool ayaa taariikhdeeda horay furitaan u marti galisay kooxda Norwich City xilli ciyaareedkii 1976-1977 markaas oo ay ku guulaystay horyaalka premier Leageu.

Kooxda Liverpool ayaa xilli ciyaareedkaas 1/0 uga badisay kooxda Norwich City xilli ay kooxda Man City gashay kaalinta 2-aad ee kala saraynta horyaalka premier league.

Liverpool ayaa xilli ciyaareedkan bilaabanaysa iyada oo doonaysa in ay u tartanto hanashaa horyaalka premier league kadib markii ay kaalinta 2-aad ka gashay horyaalka xilli ciyaareedkii hore.

7 Comments

  1. Waan rajayn in sanadkan horyaalka gacanteena noqdo waan ku kalsoonahay wiilasha liverpool iyo macalinkood guulna waa tan ilaahay

  2. Ciyaal aan kubada waxba ka aqoon maaha inay hadlaan. Anagu ka taageere Liverpool ahaan waanu ku kalsoonahay inaanu qaadayno horyaalka sanadkan maxa yeelay hada wxn nahay kooxda aduunka ugu fiican. Lkn gabareeyadan iska hadlayaa waxba kama garanayaan bahasha. Abti iska Barta wxni waa kubade.

  3. Isha alaah way leedahay awood ay qaado horyaalka nasiibkuna waa halkiisa laakin waan u rajaynaynaa guul Liverpool

Leave a Reply

Your email address will not be published.