Xiddigaha Real Madrid Oo Isku Khilaafsan Lambarka Uu Eden Hazard U Xidhan Doono Real Madrid.

Kooxda Real Madrid ayaa wakhti hore dhamaystirtay laba saxiix oo waaweyn xagaagan iyada oo Luka Jovic kala soo wareegtay kooxda Eintracht Frankfurt iyo Eden Hazard oo ay kala soo wareegtay Chelsea waxana la fahamsan yahay in ay todobaadkan soo bandhigi doonto labada xiddigba.

Marka la is bar-bar dhigo Hazard iyo Jovic saxiixa Hazard ayaa ilaa haatan soo jiitay dareenka saxaafada adduunka kaas oo ay 100 milyan oo euro ka soo bixisay iyo 30 milyan oo guno ah.

Wararka ayaa sheegaya in uu 28 jirkan reer Belguim kooxda Real Madrid u xidhan doono No.7 xilli ciyaareedka dambe taas oo la macno ah in uu xiddiga Mariano Diaz oo haatan qaata No.7 uu xidhan doono lambar cusub xilli ciyaareedka dambe.

Wargayska Diario Gol ayaa sheegaya in ay talaabadaas khilaaf weyn ka dhex abuurtay iyada oo ay xiddigaha qaarkood oo uu ugu horeeyo kabtanka Ramos ka soo hor jeedaan talaabadaas.

Wargayska ayaa sheegaya in uu Ramos aaminsan yahay in Mariano Diaz qasab looga saaro Lambarka Ixtiraam la,aan ku tahay xiddiga si kasta oo uu muhiim ama caan u yahay xiddiga imanaya kooxda.

Hazard ayaa la filayaa in uu noqdo xiddiga ugu muhiimsan Real Madrid xilli uu Zinedine Zidane doonayo in uu kooxda dib ugu soo celiyo ku guulaysiga koobabka xilli ciyaareedka dambe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.