Xiddigaha Haatanba Ka Mid Ah Qorshaha Jurgen Klopp Ee Xilli Ciyaareedka Dambe Oo La Ogaaday

Kooxda Liverpool ayaa isku diyaarinaysa in ay xilli ciyaareedka dambe Man City kula tartanto horyaalka premier league kadib markii ay xilli ciyaareedkan ku guulaystay tartanka champions League kana baxday abaartii koob la,aanta.

Liverpool ayaa kaliya hal dhibic oo kaliya looga qaaday tartanka premier League xilli ciyaareedkii dhamaaday kadib markii ay Man City ku guulaystay horyaalka premier League markii 2-aad oo xiriir ah.

Kooxda Liverpool ayaa lala xiriirinayaa xiddigo badan tan ilaa markii uu suuqa kala iibsigu furmay xilli ciyaareedkuna dhamaaday.

Laakiin Tababare Jurgen Klopp ayaa si cad u sheegay in uuna suuqa galin doonin lacag badan isaga oo isku dayi doona in uu ku dagaal galo xiddigaha uu haysto haatan lana soo wareegi doona 2 ama saddex xiddig.

Wargayska Daily Express ayaa shaaca ka qaaday 8 xiddig oo haatanba ka mid ah qorshaha tababare Jurgen Klopp ee xilli ciyaareedka dambe oo lama taabtaan ah suuqa xagaagan.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo xiddigaha ee haatanba ka mid ah qorshaha Klopp ee xilli ciyaareedka dambeL

Alisson

Andrew Robertson

Trent Alexander-Arnold

Virgil van Dijk

Fabinho

Jordan Henderson

Sadio Mane

Mohamed Salah

Roberto Firmino

James Milner

Alex Oxlade-Chamberlain

Georginio Wijnaldum

Naby Keita

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published.