Willian Oo Looga Yeedhay Xulka Brazil Laguna Badalay Neymar Oo Dhaawac Ku Seegaya Tartanka.

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda chelsea ee Willian ayaa looga yeedhay xulka qaranka Brazil ee ka qayb galaya tartanka Copa America isaga oo ah badalka Neymar oo dhaawacmay.

Tite ayaa doortay xiddiga Chelsea in uu ku badalo Neymar oo uu dhaawac kuraanta ah ka soo gaadhay kulankii saaxiibtinimada ahaa ee ay la ciyaareen xulka qaranka Qatar isaga oo seegi doona tartanka.

Waxa jiray xiddigo badan oo u sharaxan in lagu badalo liiska iyada oo uu ku jiray xiddiga kooxda Real madrid ee Vinicius Junior.

Laakiin tababare Tite ayaa doortay in uu ku badalo xiddiga khibrada leh ee Willian kaas oo ciyaaray Finalka Europa League kuna guulaystay kooxda cheslea.

Xiddiga ayaa haatanba u duulay Brazil si uu ugu biiro saaxiibadiisa kana qayb qaato kulanka ugu dambeeya ee ay isugu diyaarinayaan tartanka lana ciyaari doonaan xulka Honduras.

Xiddiga Willian ayaa xulka qaranka Brazil horay ugu soo ciyaaray 65 kulan isaga oo u dhaluyay 8 gool kana mid ah xiddigaha khibrad weyn u leh xulka qarankiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.