Wargayska Liverpool Echo Oo Shaaca Ka Qaaday Xaqiiqada Wararka Liverpool La Xiriirinaya Nicolas Pépé

Kooxda Liverpool ayaa maalmihii ugu dambeeyay si weyn loola xiriirinayay saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Lille ee Nicolas Pépé kaas oo la sheegayay in ay Liverpool doonayso adeegiisa inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Wararka ka imanaya dalka England ayaa ka hadlay xaqiiqada wararka kooxda Liverpool la xiriirinaya xiddiga garabka ka ciyaara ee Nicolas Pépé inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Xiddiga reer Ivory Cost ayaa soo jiitay indhaha kooxo badan oo reer yurub ah oo ay ka mid yihiin Man United, Arsenal, PSG iyo Bayern Munich kuwaas oo doonaya adeegiisa xagaagan.

Wargayska L’Équipe ayaa sheegayay maalmihii ugu dambeeyay in ay kooxda Liverpool dhigeeda Lille dalab 70 milyan ah miiska u saartay si ay u hesho saxiixa xiddiga xagaagan.

Laakiin Wargayska Liverpool Echo oo ku dhaw kooxda Liverpool ayaa gabi ahaan beenisay wararkaas sheegaya in ay Liverpool doonayso saxiixa xiddiga 24 jirka ah.

Wargayska ayaa sheegaya in ayna Liverpool wax iriir ah la samayn kooxda Lilla ama xiddiga wakiiladiisa si ay u helaan adeegiisa oo uuna xitaa ku jirin xiddigaha diirada u saaran Liverpool wakhti xaadirkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.