WARBIXIN: SHAN Saxiix Oo Laga Yaabo In Ay Man United Dhamaystirto Xagaagan

Kooxda Man United ayaa noqotay kooxdii ugu horaysay ee kooxaha waaweyn ee Premier League samaysay saxiixii ugu horeeysay kadib markii ay ku dhawaaqay saxiixa xiddiga garabka ka ciyaara ee Daniel James kaa oo noqday saxiixii ugu horeeyay ee xagaagan.

Daniel James ayaa noqday saxiixii ugu horeeyay ee Man United kadib markii uu Ole Gunnar Solskjaer dalbaday in loo keeno da,yarka reer Wales ee qaab ciyaareedka fiican ku jira.

Shabakada Fox Sport ayaa shaaca ka qaaday 5-ta xiddig ee ku soo biiri kara kooxda Man United soona raaci doona Daniel James

1.Bruno Fernandes (Sporting Lisbon).

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Sporting Lisbon ayaa soo qaatay xilli ciyaareed cajiib ah kadib markii uu dhaliyay 32 gool sidoo kale caawiye ka noqday 18 gool 53 kulan oo uu u ciyaaray kooxdiisa xilli ciyaareedkan isaga oo qaab ciyaareedkiisa ku soo jiitay indhaah kooxo badan oo reer yurub ah.

2.Aaron Wan-Bissaka (Crystal Palace).

Wararka ayaa sheegaya in ay Man United dalab furitaan ah ka gudbisay saxiixa xiddiga reer England kaas oo ay Crystal Palace soo ka soo diiray xilli United isku diyaarinayso in ay dalab cusub ka gudbiso adeegiisa si ay u hesho xagaagan.

3.Harry Maguire (Leicester City).

Kooxda Man United ayaa lala xiriirinayaa daafacyo badan oo ay ka mid yihiin De Ligt, Koulibaly, Alderweireld iyo Maguire kuwaas oo ay doonayso in ay ku xoojiso daafacooda diciifka ah xilli ciyaareedkii hore waxana ay u muuqataa in ay Man United rikoodhka u jabin doonto daafaca reer England ee Maguire kadib markii ay Man City isaga hadhay tartanka.

4.Gareth Bale (Real Madrid).

Halka Arin ee uu Zinedine Zidane sida cad u xaqiijiyay ayaa ah in uuna Gareth Bale ku jirin qorshihiisa xilli ciyaareedka dambe, kooxda Man United ayana xiiso wakhti fog ah u haysa xiddiga iyaga oo laga yaabo in ay heshiis amaah ah ku helaan xagaagan.

5.Joao Felix (Benfica).

Da,yarka reer Portugal ayaa qaab ciyaareed heer sare ah ku soo jiitay indhaha kooxo badan oo reer yurub ah kuwaas oo doonaya adeegiisa in ay helaan xagaagan, Real Madrid, man City, Juventus iyo waliba kooxo kale ayaa doonaya adeegiisa laakiin United ayaa la sheegayaa in ay u doonayso xiddiga badalka Sanchez waliba wax walba u samayn doonaan sidii ay Old Trafford uga soo dajin lahaayeen xagaagan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.