WARBIXIN: Saxiixa 3-aad Ee Real Madrid Samayso Oo Qiimaha Ay Suuqa Galisay Kor Ugu Qaadi Doona 400 Oo Milyan

“Waa in aan qabano Hal sano qabano shaqo aan qaban lahayn sida caadiga ah muddo 3 sano ah”ayaa ahaa balantii Florentino Pérez markii uu ku soo laabtay madaxtinimada kooxda Real Madrid sanadkii 2009 waxana uu sameeyay saxiixyo aad u waaweyn oo ku kacay 264 milyan oo euro isaga oo kula soo saxiixday 9 xiddig oo kala ah Cristiano Ronaldo (96m), Kaká (65m), Karim Benzema (35m), Xabi Alonso (30m), Raúl Albiol (15m), Ezequiel Garay (10m), Álvaro Negredo (5m), Álvaro Arbeloa (4m) & Esteban Granero (4m).

Kadib markii uu horay madaxweyne ugu noqday kooxda lana soo saxiixday xiddigo waaweyn sida Luis Figo, Zinedine Zidane, Ronaldo & David Beckham Perez ayaa 10-ki sano ee la soo dhaafay joojiyay la soo saxiixashada xiddigaha waaweyn iyo waliba in uu lacag badan galiyo suuqa isaga oo ay ugu dambeeyeen Gareth Bale & James Rodríguez kuwaas oo 101 iyo 80 milyan ugu soo biiray kooxda.

Haatan Mashruuc uu hogaaminayo Eden Hazard Real Madrid ayaa mashquul ku ah la soo saxiixashada xiddigo waaweyn iyaga oo suuqa galin doona lacag dhan 400 oo milyan oo Euro.

Xagaagan ka hor Perez ayaan suuqa galin lacag badan marka loo eego in ay kooxdu 3 xilli ciyaareed oo xidhiidh ah ku guulaystay champions League isaga oo aan wax sabab ah u helin in uu suuqa.

Laakiin kadib markii ay Koob la,aan bixin xilli ciyaareedkii dhamaaday Real Madrid ayaa la soo saxiixatay xiddigaha Eden Hazard, Éder Militao & Rodrygo iyaga oo ay kooxda kula soo biiri doonaan xiddigaha Ferland Mendy, Paul Pogba ama Christian Eriksen.

Real Madrid ayaa haatan dareenkeeda u jeedin doonta saxiixa xiddiga Paul Pogba oo uu Zinedine Zidane doonayo laakiin sabab la xidhiidha xeerka dhaqaalaha FIFA Kooxda ayaan loo ogolayn in ay suuqa galiso wax ka badan 100 milyan oo euro ilaa ay fasaxdo xiddigo lacagtoodu gaadhayso lacag dhan 300 oo Milyan.

Man United ayaa Real Madrid u sheegtay in ay bixiso lacag dhan 160 ilaa 180 milyan oo euro si ay u hesho saxiixa xilli ay Real Madrid ku dhawdahay in ay iibin doonto xiddigo lacagtoodu ku kacayso 300 oo milyan xilli Eriksen yahay badalka Pogba kaas oo lagu qiimaynayo lacag dhan 70 milyan oo euro.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.