WARBIXIN: Kadib Eden Hazard 12 Saxiix Ee Ugu Qaalisan Taariikhda Real Madrid

Kooxda Real Madrid aya jimcihii ku dhawaaqday saxiixa xiddiga Eden Hazard kaas oo ay heshiis 5 sano ah ugaha soo wareegtay kooxda chelsea isaga oo ugu dambayn rumeeyay riyadiisii ahayd in uu ku soo biiro Real Madrid.

Los Blancos ayaa heshiis 5 sano ah ka saxiixatay xiddiga iyaga oo ka soo bixiyay lacag dhan 100 milyan oo euro iyo 40 guno ah kuna xidhan shardiyo gaar ah iyo qaab ciyaareedka xiddiga.

Kadib lacagtaas Eden Hazard ayaa noqday xiddiga 2-aad ee ugu qaalisan taariikhda kooxda Real Madrid dhanka suuqa kala iibisga isaga oo ku biiray xiddigaha ugu qaalisan kooxda.

Eden Hazard ayaa kooxda Real Madrid kula biiray xagaagan xiddigaha Éder Militão, Rodrygo iyo weeraryahana Luka Jovic kuwaas oo ah dhiiga cusub ee kooxda ku soo biiray xagaagan.

Hadaba halkan hoose Laga bogo 10-ka saxiix ee ugu qaalisan taariikhda Real Madrid:

  1. Gareth Bale: 101 Milyan
  2. Eden Hazard: 100
  3. Cristiano Ronaldo: 94
  4. Zinedine Zidane: 75
  5. James Rodríguez: 75
  6. Ricardo Kaka: 65
  7. Luis Figo: 60
  8. Luka Jovic: 60
  9. Éder Militão: 50
  10. Vinícius Júnior: 45
  11. Rodrygo: 45
  12. ronaldo nazario: 45

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.