WARBIXIN: Juventus Oo Dagsatay Qorshe U Fududaynaya Saxiixa Paul Pogba, Maxay Damacsantahay?

Kooxda Juventus ayay ka go,antahay in ay hesho saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United ee Paul Pogba inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan si ay ugu xoojiyaan kooxdeeda xilli ciyaareedka dambe.

Juventus ayaa diyaarinaysa dalab lacageed iyo waliba midkood xiddigaha Alex Sandro, Douglas Costa ama Paulo Dybala si ay u helaan dibna u soo celiyaan xiddiga Paul Pogba.

Wargayska La Gazzetta dello Spor ayaa sheegaya in ay kooxda Juventus qorshaynayso in ay Pogba ku soo celiso Turin 3 sano kadib markii uu ka tagay kooxda xagaagii 2016.

Xiddiga ayaa lagu heli karaa lacag in ka bada 100 milyan oo euro xilli uu xiddiga laftiisu doonayo in uu isaga tago kooxda sabab la xidhiidha dhaleecaynta uu kala kulmay taageerayaasha Man United iyo saxaafada.

Xiddiga ayaa kooxdiisa ku riixaya in uu ku biiro kooxda Real Madrid Laakiin Real ayaa u muuqata qaar haatanba lacag badan galiyay xiddigaha Eden Hazard iyo Luka Jovic sidaas darteed ayna suurtagal ahayn in ay xagaagan hesho adeegiisa.

Wargayska La Gazzetta dello Sport ayaa sheegaya in ay Juventus hoos u dhigi doonto qiimaha xiddiga iyada oo isticmaalaysa in ay heshiiska ku darto xiddigaha Alex Sandro, Douglas Costa ama Paulo Dybala midkood.

Xiddiga reer France ee Pogba ayaa 4 sano ku qaatay kooxda Juventus isaga oo halkaas kula guulaystay koobabka Serie A-da iyo Coppa Italia isaga oo wali booqda kooxda Turin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.