WARBIXIN: 4 Arimood Oo Laga Sugayo Eden Hazard Kadib Dhamaystirkii Ku Biirista Real Madrid

Kooxda Real Madrid ayaa si Rasmi ah ugu dhawaaqday saxiixa Xiddiga kooxda chelsea ee Eden Hazard kaas oo noqday xiddig Real Madrid ah kadib markii ay chelsea kala heshiiyeen qiimaha xiddiga reer Belguim isaga oo ugu dambayn rumeeyay riyadiisa ku biirista kooxda Real Madrid.

Xiddiga reer Belguim ayaa qalinka ku duugay heshiis 5 sano ah waana saxiixii ugu weynaa ee ay Real Madrid samayso tan ilaa 2014 markaas oo ay la soo saxiixatay xiddiga James Rodríguez.

Hadaba waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa 5 arimood oo ay kooxda iyo taageerayaasha Real Madrid ka sugayaan Eden Hazard:

1.Soo Laabashada Kalsoonida:

Kadib Sanado ay gaadheen guulo champions League ah kooxda Real Madrid iyo taageerayaasheeda ayaa soo qaatay wakhti adag kadib markii ay sanad ka hor ka qateen kooxda xiddiga Cristiano Ronaldo iyo waliba Zidane kooxda ayaana ku dhibaatootay qaab ciyaareedka iyaga oo helay natiijooyin niyad jab leh xilli ay kooxdu wayday kalsooni ay kulanka ugu bilaabto si fiican tan ilaa bixitaankii Ronaldo.

2.Haybada Suuqa:

Muddo dheer Real Madrid ayaan suuqa kala soo wareegin xiddigo waaweyn iyada oo ay taageerayaashu iloobeen caadadii Madaxweyne Perez ee Keenista xiddigaha ugu waaweyn kubada cagta kadib markii uu Zidane kooxda ku hogaamiyay ku guulaysiga champions League saddexdii sano ee ugu horaysay.

3.Dhiig Cusub Oo Lagu Soo Saro Kooxda:

Waxa si weyn hoos ugu dhacay qaab ciyaareedka xiddigaha kooxda Real madrid taas oo lagama maar-maar ka dhigtay in xidigo cusub lagu soo daro kooxda imaatinka Hazard ayaana xoojinaya kooxda waliba ka dhex abuuraya kooxda tartan iyo xamaasad cusub taas oo kooxda ka caawinaysa in ay dib ugu tartanto koobabka xilli ciyaareedka dambe.

4.Arimo dhanka shaxda ah:

Hazard ayaa leh awood aad u saraysa oo dhanka Gambiska, caawinta iyo waliba gool dhalinta isaga oo ka ciyaari kara weerarka garabha, No.10 iyo waliba Weerarka tooska ah waxana uu ku tiirsan yahay awood orod badan ah iyo waliba farsamooyin uu ku dhaafi karo xiddigaha ka soo hor jeeda.

5.Gool dhalinta:

Waa mida ugu muhiimsan ee laga sugayo marka laga hadlayo xiddiga reer Belguim kaas oo ah sababta ay Kooxdu ula soo saxiixatay iyaga oo doonaya in ay dib u helaan gool dhalintii fiicnayd ee markii uu Cristiano Ronaldo joogay.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.